HomeWarkiiShil gaari oo dad badani ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Shil gaari oo dad badani ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Muqdisho

May be an image of carShil gaari oo dad badan ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen ayaa saaka ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan laamiga isku xira Balcad iyo Muqdisho kadib markii ay isku dhaceen gaari raaco iyo Bajaj.

Sida aan xogta ku helnay shilka waxaa ku dhintay ilaa 4 ruux halka tiro kalana ku dhaawacmeen waxaana ka mid ah dadka dhaawacmay Deeq Jeesow oo caan ka ah aalada Tiktok,sidoo kalana ah Askari Booliis ah.

Deeq Jeesow waxaa la sheegay inuu ahaa darawalka waday gaariga shilka galay ,wuxuuna marayay marka bajaajka ay isku dhacayeen deegaanka Darmooleey oo u dhexeeya Ceel-cirfiid iyo Caliyaale kuwaasoo ah deegaano ku teedsan Xamar iyo Balcad inta u dhexeysa walibana ku dhaw Muqdisho.

Shilalka ayaa ku badan dhanka wadada Afgooye marka bar bar dhigo  tan Balcad inkastoo xiliyadaan danbe ay aad u yareyd shilalka aagaasi laga soo sheegayo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -