Shil gaari oo dad badani ku dhinteen,kuna dhaawacmeen ayaa la soo sheeayaa inuu ka dhacay wadada u dhexeysa Nairobi iyo Mombasa gaar ahaan jidka weyn ee u dhow Kapiti Plains oo ka tirsan ismaamulka Machakos.
Inta laga war hayo 6 qof ayaa ku dhimatay shilka halka 7 kalana ku dhaawacmeen markii ay isku dhaceen bas weyn iyo laba gaari oo nuuca xamuulka qaada ah,xalay saq dhexe ayayna ahayd markii gaari xamuul ah oo ka yimid dhanka Mombasa kuna sii jeeday Nairobi uu ku dhacay mid kale oo ka hor yimid.
Mid ka mid ah labada gaari ee xamuulka ah kaasoo loo yaqaan loori ayaa dhumiyay koontaroolka taasoo keentay inuu bas ku sii dhaco.
Lixda ruux ee dhimatay ayaa 5 ka mid ah waxay ahaayeen darawalkii baska iyo 4 rakaabkiisii ah halka qofka lixaad uu yahay darwalka mid gaariga xamuulka ah ee ku dhacay baska,sidoo kale todobada dhaawaca ah ayaa iyagana loola cararay Isbitaalka lagu magacaabo Machakos Level Five.
Ciidamada Booliiska Saldhigga Kyumbi ayaa goobta soo gaaray kuwaasoo baaritaanana ka bilaabay xili haraagii baabuurtana ay u geeyeen saldhigooda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

