HomeWarkiiShil gaari oo dhimasho iyo dhaawacba sababay oo Saaka waabarigii ka dhacay...

Shil gaari oo dhimasho iyo dhaawacba sababay oo Saaka waabarigii ka dhacay Suuqa Bakaaraha

May be an image of van, car and text that says "Restaurant AZ4Rnstaurant Restaurany Sweets AZ4 and"MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gaari nuuca xamuulka qaada ah ayaa xalay saq dhexe xiligii uu soo dhawaa waabariga ku fariin goostay suuqa bakaaraha gaar ahaan isgoyska Howlwadaag wuxuuna dhex galay oo bur buriyay guri iyo maqaayad isku dhex yaalay.

Gaariga oo sida raashin badan sida sawirka aad ka arki karto wuxuu sababay dhimashada hooyo da’ ahayd oo sariirteeda uu ugu tagay iyo dhaawaca sedex ruux kale kuwaasoo dhamaantood la gaarsiiyay goobaha caafimaadka.

Hay’adaha amaanka Dowlada Somalia ayaa ku baxay inkastoo darwalkii uu goobta ka baxsaday markii uu ogaaday inuu gaariga dad ku dhibateeyay,isaga laftigiisana xog lagama hayo wax dhaawca oo soo gaaray.

Dowlada waxaa looga baahan yahay inay xal u keento gaadiidkaan waa weyn ee xamuulka ka soo qaada Dekada kuwaasoo qaarkood duqoobeen halka qaarkoodna ay wadaan darawalo aan masuuliyad qaadi karin.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of one or more people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -