Shil gaari oo geystay khasaare ayaa maanta ka dhacay degmada Raaga-ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Shilka ayaa yimid ka dib markii gaari Waaraad ah oo waday dhuxul uu ka duldhacay gaari nuucada raaxada oo laqaan (Market).

Daka saarnaa gaarigan oo tiradoodu aheyd lix ruux, ayaa dhammaantood dhaawacmay, iyagoona loo qaaday xaruumaha caafimaadka degmada.

Maamulka degmada Raagaceelle oo la hadlay KNN ayaa sheegay in dadka qaar ay qabaan dhaawacyo fudud, halka qaarkoodna ay qabaan kuwa dhexe balse aysan jirin dad daran.

Waxaa lagu guuleestay in laga soo saaro dadkii saarnaa loona fidiyo Gurmad balse ilaa hada ay socoto dedaalka lagu kala qaadayo labada gaari.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here