HomeWarkiiShil gaari oo sababay dhimashada dad badan

Shil gaari oo sababay dhimashada dad badan

Shil gaari oo sababay dhimashada 7 ruux ayaa ka dhacay wadada isku xirta Keroka iyo Sotik ee ismaamulka Nyamira.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday agagaarka deegaanka Kijauri kadib markii uu gadoomay gaari xamuul ah,shilka wuxuu dhacay shalay galab, waxaana gabi ahaanba burburay gaari mataatu ah.

Muuqaalo uu daalacday wargeyska The Kenya Times, ayaa waxaa lagu arkayay dadka deegaanka oo u ordayay samata bixinta dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Gaariga xamuulka ah ayaa waxa uu sitay geedo looxaan ah, waxaana uu xakameyn waayay, waxaana uu shilkaani dhibaato ka soo gaartay gaadiid dadweyne ,dad lugeynayay, iyo kuwa waratada wadada dhinaceeda wax u iibsha.

Kijauri waa bar madow oo caan ah oo ku teedsan Waddada B3, ee ku taal fiditaanka Sotik–Keroka. Axad, Juun 8, 2025, shil aad u xun ayaa ka dhacay meel u dhow Isbitaalka Keroka Sub-County ee Ismaamulka Nyamira.

Warbixin booliisku soo saartay ayaa muujisay in Cruiser PSV matatu ay isku dhaceen labo mooto ka hor inta uusan ku dhicin god. Sida lagu sheegay warbixinta booliska, saddex qof ayaa dhintay.

Bishii Nofembar 2024, hal qof ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Kijauri, Nyamira, ka dib markii ay isku dhaceen laba baabuur.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Fatal Accident in Nyamira PHOTO/John

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -