Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatay, halka ay 25 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib markii uu shil tareen uu ka dhacay degaanka qabalaha Ceel-baxay oo ka tirsan degmada Shiniile ee gobolka Siti ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

Shilkan ayaa yimid ka dib markii tareen ka yimid dalka Jabuuti ay isku dhaceen, gaari nooca xamuulka ah oo ku sugnaa wadada tareenka, taas oo keentay in dadka ay dhintaan kuwo kalena ay dhaawacmaan.

Advertisement

Kuxigeenka duqa Magaalada Shiniile Zakariye Maxamed Cabdi ayaa faah faahin ka bixiyay sida uu shilka u dhacay iyo Khasaaraha ka dhashay, isaga oo sheegay in shilalka gaari ay waayadaan kusoo bateen dhulka dowlad degaanka Soomaalida.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhowr shil ay ka dhaceen dhulka dowlad degaanka Soomaalida, waxaana ciidamada ilaalada waddooyinka ee taraafikada ay sheegeen inay sabab u tahay waddooyinka oo aad u yar iyo darawalada oo si xoowli ah u wada Gawaarida

Previous articleMercedes-Benz A-Class review
Next articleIGAD oo Walaac ka Muujisay Xaalada Malaayiin qof oo ku nool Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here