CEEL-BARDE (DAYNIIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi uu goor dhaw oo maanta ah uu ka dhacay Shil uu ku dhintay Duuliye diyaarad halka qof kalana uu dhaawacmey.
Shilkaan ayaa ka dhacay Garoonka Degmada Ceel-barde ee Gobolka Bakool kadib markii diyaarada oo siday gar gar raashin ah oo ay ka qaaday Muqdisho markii ay caga dhigatay ay ka baxday wadada kadibna ay dhex gashay guri Garoonka ka ag dhawaa.
Duuliyaha diyarada ayaa ku geeriyooday shilka halka uu dhaawac uu ka soo gaaray caawiyaha duuliyaha.
Dowlada Somalia,Maamulka Koonfur-Galbeed iyo shirkada diyaarada leh midkoodna wali kama hadlin laakiin waxaa lagu wadaa inay sharaxaad dheeraad ah ka bixiyaan shilkaasi iyo waxa sababay marka laga yimaado inay diyaaradu dhabaha ka baxday.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 10 people and helicopterMay be an image of 10 people, car and jeep
Previous articleMaxaa looga hadlay shirka maanta ee Golaha Wasiirada Somalia +SAWIRRO
Next articleCiidamadii Abiy Axmed Axmed ku ilaalin lahaa Hargeysa oo maanta dib ugu laabtay Adis-ababa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here