Waxaa sii kordhaya shialka gaadiidka ee ka dhaca Kenya sida wadooyinka waa weyn ee isku xira caasimada Nairobi iyo Gobolada kuwaasoo mar kasta sababa dhimashada dadka rakaabka ah ee laga qaado Nairobi ama Gobolada laga soo qaado.
Shilkii u danbeeyay wuxuu ka dhacay waddada xiriirisa Mombasa iyo Nairobi habeenkii talaadada waxaana ku dhintay ilaa 4 ruux halka ay dhaawacyio soo gareen tira kale oo aan wali la sugin.
Shilka waxaa galay oo si xun isugu dhacay laba gaari oo waa weyn oo mid ahaa nuuca xamuulka qaada ah halka kan kalana uu bas weyn ahaa waxaana sawiro laga soo qaaday ay muujinayaan burbur xoogggan oo soo gaaray gaadiidka.
Ciidamada Booliiska iyo kooxaha gurmadka ayaa gaaray goobta shilku ka dhacay oo ah deegaanka Kalimbini oo ku dhow Suldaan Xaamud xili ay gurmadeen dadka dhibaatadu ku qabsatay shilkaasi ,waxayna meydadka u qaadeen dhanka isbitaalada si qaboojiaha loo sii galiyo inta ehaladoodu ka aasayanayaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
