Advertisement

Shirka Wadatashiga Siyaasadda Puntland ayaa Axadda maanta ah waxa uu ka bilowday magaaladda caasimada ah ee Garowe xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo culus.

Advertisement

Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali ayaa shirka uga qayb galaya aalada Zoomka.

Siyaasiyiinta ayaa, sidda ay illo wareedyo u sheegeen Warqaad, waxay ka arinsanayan xaaladda Puntland iyada qalalaase siyaasadeed markii ay u dhaqaaqdey furitaanka dastuurka.

Qorshahan ayay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo ururadda siyaasadeed ku tilmaameen mid dhabaha u xaari karta muddo kororsi iyo dastuur jabin taasoo ay xuseen in ay diidan yihiin.

Doorashadda madaxweynaha dowladda Puntland ayaa dastuurka xeerinayaa in ay qabsoonto 8-da Janaayo, 2024 taasoo ka dhigan in muddo xileedka Deni uu dhamaanayo 7-da isla bishaas.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here