Garowe (dayniiile.com)-Waxaa  Saaka Xarunta Maamulka Puntland ee Magaalada Garoowe ka furmaya shirkii ay u balansanaayeen siyaasiyiinta mucaraadka ah Madaxxweynaha Puntland ee Siciid Dani.

Shirkaan ayaa lagu qabanayaa Beerta Arlo  halkaasoo ah meel inta badan lagu qabsado xafladaha waaweyn kadib markii uu diiday maamulka Hotel Marti-soor  in shirkaasi lagu qabto hoteelkiisa.

Advertisement

Waxaa aad loo adkeeyay Xaalada Amni ee halka lagu qabanayo shirkaani iyadoo lagu arkaayo ciidamo iyo gaadiid dagaal oo aad u hubeysan.

Ajndaha shirka looga hadlaayo ayaa lagu sheegay sidii uu u qabsoomi lahaa doorashada Puntland waliba waqtigii hore loogu sameeyay xili ay ka baqayaan in Madaxweynaha Puntland qorshahaba ugu jirin inuu doorshada qabo si uu xukunka isaga heyso.

Siyaasiyiinta lagu wado inay ka qeybgalaan  Shirkaanwaxaa ka mida musharixii ciriiriga galiyay doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Siciid Dani sanadkii 2019 kaasoo lagu magacaabo Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi  kana tirsan ururka Mideeye  iyo Wasirka arimaha dibada Dowlada Faderaalka Soomaaliya kaasoo isna ka soo jeeda Puntland Axmed Ciise Cawad

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleSaraakiil Atmis iyo Maamulka Jubaland oo Dhoobleey kaga hadlay la dagaalanka Alshabaab+Sawirro
Next articleGashanle Sare Dayax “waxaan idinku bogaadinayaa sida aad waajibkiina uga gudateen khawaarijtii ku dhuumaalysanaysay Ciid Ciidka+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here