Siyaasiyiinta isbadal doonka reer Koonfur galbeed ayaa maanta gaareen Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ahna Xarunta Dowlad Goboleedka Gal-mudug.
Wafdigaan oo uu hogaaminayo Prof.Maxamed Cusmaan Jawaari Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sppmaaliya ayaa isla maanta waxay la kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheeekh oo halkaasi fariisinn ka dhigtay labadaan bil danbe.
Kulankaan oo ziligaan socda walina aan faahfaahin laga helin ayaa wararku waxay timaamayaan in mucaaradka koonfur galbeed ay madaxweynaha kala hadlayaan arimo ku saabsan  doorashooyin maamulkaas.
Siyaasiyiintaan is badal doonka ayaa aaminsan in Madaxweynaha koonfur-galbeed C/casiis Lafta-gareen uusan usoo jeedin doorashooyinka inuu qabto si uu xukunka u sii heysto.
Siyaasiyiinta reer Koonfur-galbeed ee Isbadal doonka waxaa ka mida Madaxweynihii hore ee koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan,Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo ah gudoomiyihii hore ee Baarlamaaanka Soomaaliya.
Wixii war ka soo baxa wararkeena xiga ayaad ka heli doontaan Inshs Allaah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here