Shir gaar ah ayaa hadda u socda Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Shirka oo ka socda Guriga Madaxweyne ku xigeenka ayaa looga hadlayaa xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Puntland oo la xiriirta furista Dastuurka iyo hubanti la’aata doorashada 2024.

Advertisement

Shirka ayaa imaanaya kadib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday kulan gaar ah oo habeen ka hor dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash.

Axmed Karaash ayaa si weyn u diiddan Tallaabada Siciid Deni ku raadinayo in 18-ka bishan la guda-galo furista Dastuurka islamarkaana 30-ka bisha lagu dhawaaqo mudda kororsi laba sano ah.

Previous articleFaahfaahin Xubno Shabaab ah oo toogasho lagu dilay
Next articleDr Cilmi Maxamuud: “Sharaf & Mudnaan gaar ah ayay ii ahayd in aan noqdo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here