Janaale (dayniiile.com)- Magaaladfa Janaale ee Gobolka Shabeelaha hoose waxaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milatariga Guutada 14-ka Oktobar xili shacabka deegaankaasi ay ka timid cabasho xooggan.

Saraakisha Ciidamada waxaa gaartay cabasho ku saabsan isbaarooyin sharci daro ah oo ciidamada qaarkood ay dhigtaan laamiga xili ay lacago baada ka qaadayaan gaadiidka dadweynaha ee safarka ah.

Advertisement

Abaan-duuliyaha Guutada 14-ka Oktobar C/rixiim Maxamed Muunye oo shir gudoominayay kulankaan ayaa si adag uga hadlay arinta isbaarooyinka.

Abaan-duuliye Crixiim wuxuu sheegay in cabasho ay kaga timid bulshada sidaas daraadeed uu amrayo ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa guutada 14-ka Oktobar inay talaabo ka qaadaan cid kasta oo isbaara dhigata.

Gaashaanle sare C/rixiim Maxamed Muunye wuxuu shirka ka sheegay inuu amar buuxa ku bixiyay in meeshii lagu arko lagu toogto askarigii ku adkeysta inuu qaadici dariiq noqdo.

“amar ayaad ku qabtaan askarigii ku adkeysta inuu isbaaro u dhigto dadka safarka, waxaan ku qaadeynaa sharciga islaamka wuxuu ka qabo qaadicu dariiqa waana in la dilo “ayuu yiri Abaanduuliyaha

Abaan-duuliyaha wuxuu carabka ku adkeeyay inaan qabiil loo fiirin oo bartiisa lagu toogto askarigii u bareera inuu isbaaro dhigto.

“waxaa intaas raaca maleeshiyaadka iyagana isbaarooyinka dhigta waa la mid bartiisa halagu toogto sababtoo waxaaba xukunkaasi qabtay kuwii dharka dowlada watay ” ayuu mar kale yiri abaanduuliyaha ahna ku simaha taliyaha guutada 14-ka oktobar

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleDadka ku dhintay qaraxii Buulo-Burde oo 10 ruux kor u dhaafay
Next articleLaba Alshabaab ah oo iska soo dhiibtay Jubada hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here