HomeWarkiiShiR looga hadlayay ka hortagga fikirka xagjirka ah oo Muqdisho lagu qabtay+SAWIRRO

ShiR looga hadlayay ka hortagga fikirka xagjirka ah oo Muqdisho lagu qabtay+SAWIRRO

Muqdisho, Khamiis,30 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta TUBSAN.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada ka hortagga fikradaha xagjirka ah iyo dardargelinta wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, si looga hortago marin-habaabinta kooxaha argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay guulo la taaban karo ka gaartay amniga iyo la dagaallanka argagixisada, isaga oo adkeeyay muhiimadda sii xoojinta barnaamijyada wacyigelinta.

“Dowladdu waxa ay ka go’an tahay sugidda amniga iyo dhismaha jiil ka madaxbannaan fikirrada xagjirka ah,” ayuu yiri Mudane Saalax.

Madasha waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday beesha caalamka iyo hay’adaha daneeya arrimaha ka hortagga xagjirnimada, kuwaas oo bogaadiyay dadaallada dowladda.

– DHAMMAAD –
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRW
May be an image of one or more people, dais and text that says "Tubs Centre"May be an image of daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and text that says "Italy SUDAN UK USA Turkey Saudi Arabia"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -