Guddoomiyaha Cayaaraha Maamulka Banaadir Md; Xasan Xaaji Wiish Yabarow ayaa maanta xafiiskiisa ku qabtay shir looga diyaar garoobayo cayaarta kama dambeesta ah ee tartanka kubadda cagta degmooyinka iyo sida ay ugu dhici lahayd jawi nabad ah.
Kulanka ayaa lagu dhagaystay warbixinno ku saabsan dhacdoyinkii dhacay intii tartanka uu socday, wixii laga bartay caqabadihii dhacay iyo xilliga la qaban doono cayaarta fiinaalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay guddoonka iyo madax Qayeedyada xafiiska cayaaraha maamulka gobolka Banaadir.
Tartanka kubadda cagta degmooyinka oo sannadkan xiiso lahaa, ayaa waxaa hadda isugu soo haray cayaarta fiinaalka degmooyinka Howlwadaag iyo Warsheekh.
Waana markii ugu horraysay oo heerkan ay soo gaaraan islamarkaana Degmo ka baxsan Muqdisho ay gabagabada soo gaarto.





