Shir looga hadlayo arimaha fatahaadaha oo ka furmay Magaalada Beydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo shir u dhaxeeya Madax ka socota Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.

Shirkaan oo ay ka qeyb-geli doonaan Madaxweynayaasha labada Maamul iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Qosheynta Koonfur Galbeed & Midowga Yurub.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed Axmed Madoobe Nuunoow ayaa sheegay in shirka diirada lagu saari doono horumarinta Maamulada Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed,isla markaana Shirka ay kaalin weyn ka qaadan doonaan Safiiro ka socda wadamada Midowga Yurub.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale in shirka looga hadli doono sidii labada Maamul ay isaga kaashan lahaayeen mashruuc uu bixinayo Midowga Yurub,kaasi oo ku saabsan kobcinta,dhaqaalaha iyo horumarinta labada dowlad goboleed.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064