HomeWarkiiShir Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Somalia ay ka qeybgalayaan oo Nairobi ka...

Shir Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Somalia ay ka qeybgalayaan oo Nairobi ka furmay iyo Puntland oo laga waayay

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya waxaa maanta ka furmay Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya  kaasoo ay maamul Goboleedyada Dalka ka wada qeybgaleen sida aan xogta ku helnay islamarkaana aad sawiradana u arki kartaan.

Shirkaan waxaa ka maqan oo laga waayay Maamul Goboleedyada Soomaaliyeed ee Puntland oo ah Maamulka ugu weyn laguna naaneyso hooyada Faderaalka Soomaaliya lamana oga ilaa iminka sababta maqnanshahooda.

Shirka waxaa guud ahaan Somalia ku hogaaminaya oo dhanka Dowlada ka socda Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya,waxaana ku wehliyay dhamaan wasiirada Caafimaadka ee maamulada kala ah Galmudug,Jubaland , Koofur-Galbeed, Hirshabelle iyo Waqooyi-Bari.

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya waxaa lagu wadaa in looga hadllo arimaha Caafimaadka  Dalkeena kadibna gaba-gabada laga soo saari doono arimo dhankaasi la xiriira madaama adeega aadanaha loo qabto waxyaabaha ugu muhiimsan uu ka mid yahay Caafimaadka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
May be an image of one or more people, dais and text that says "가방드 Moven อาท 0的! stste Government FMOH Galmudug state Jubaland state DONER AFR DONER BMGF Switzerland Giobal Fund GFF FCDO"

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -