MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Dowlada Somalia iyo Maamul Goboleedyada taageersan ee afarta ah kuwaasoo kala ah Gal-mudug,Koofur-galbeed,Hirshabelle iyo Waqooyi bari Somalia, waxaana goob joog ahaa dhamaan madaxweynayaasha Maamuladaasi.
Wararka horu dhaca ah ee aan ka helnay kulankaasi ayaa sheegaya inay is mari waayeen labada dhinac islamarkaana la isku qabtay in isla maanta la isla garto musharixiinta Madaxweynaha ee maamulka Goboleedyada ku matali doona Xisbiga JSP marka doorashada laga dhigo qof iyo cod.
Madaama la isku mari waayay dood kadib waxay isla garteen in shirar kale la isugu yimado si ugu danbeyn Dowlada iyo maamuladu iskula fahmaan cida musharaxa noqoneysa xili Madaxweynayaasha hada waqtigoodu dhamaaday doonayaan inay iyaga noqdaan musharixiinta Xisbigu ku tashanayo si ay usoo laabtaan.
Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan doonayo inuu musharixiin cusub keeno si ay u matalaan xisbigiisa madaama aysan gadmayn madax waqtigoodii dhamaaday in la soo celiyo oo dhanka Dowladana caqabado dhanka beelaha ah ay kaga iman karto tusaale Galmudug waxaa Qoor-Qoor xilka ku heysta Mahad Salaad iyo Liibaan shuluq ,sidoo kale Hirshabelle waxaa taagan C/laahi Maxamed Nuur iyo musharixiin kale,sidoo kale Koofur-galbeed waxaa taagan siyaasiyiin dhawaan la midoobey Madaxweyne Xasan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
