Dalka Jabuuti ayaa waxaaa xalay si rasmi ah loogu soo gaba gabeeyay Shir Madaxeedkii 14aad ee Urur Goboleedka IGAD

Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa intii uu shirka Socday isla gartay Arimo dhowr ah oo ay ka mid ah sidii xal loogu heli lahaa colaada ka taagan dalka suudaan.

Advertisement

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  ka qeyb gelay Shir.

Waxaana Meertadan 14-aad ee IGAD oo sannadkan diirradda lagu saaray  arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka iyadoo Madaxweyne Xasan sheikh iyo Wafdigiisa ay ku soo bandhigeen  shirka doorka kaga aaddan dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Ururu Goboleedka IGAD.

Hoggaamiyaasha dowladdaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaray xal u helidda dagaalka ka socda dalka Sudaan, mideynta dadaallada heer gobol ee ciribrirka waxa loogu yeero  argagixisada, xoojinta isdhexgalka gobolka,  nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here