Shir weynaha ay isugu yimaadeen Culimada Soomaaliyeed ee ka furmay Muqdisho 23ka Janaayo 2023 ayaa maanta galay maalintii labaad, culimada dalka iyo dibadda ka timid ayaa ka doodaya dhowr qodob.

Fikradda Isu imaatinka culimada oo uu leeyahay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo qorsheeyay in uu socdo 23ka illaa 26ka Janaayo 2023 si looga soosaaro fatwo iyo warmurtiyeed muujinaya natiijada kulankaan kusoo dhammaado.

Qaar kamid ah Culimada ka qaybgaleysa shirka ayaa sheegay in lagu soo beegay waqti loo baahan yahay in diiradda la saaro arrimo dhowr ah sida ‘AS’, Dhismaha Guddi ay ku mideysan yihiin culimada & qodobo kale.

Go’aan Diini ah ama Fatwo ku saabsan ‘AS’ ayaa ka soo bixi doonta Shirka Culimada Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho, haddaba sidee Fatwadaasi u saameyn kartaa Jiritaanka Kooxda?

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here