HomeWarkiiShir amnga looga hadlayay oo Jowhar ku dhexmaray Cali Guud-laawe,Daba-geed iyo Col.Saneey...

Shir amnga looga hadlayay oo Jowhar ku dhexmaray Cali Guud-laawe,Daba-geed iyo Col.Saneey Cabdulle+SAWIRRO

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulan diirada lagu saaray oo ay ka qeybgaleen saraakiisha ciidamada Booliiska, Xogga Dalka iyo Nabad-sugida.

Waxa kale oo goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo xubno ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.

Ugu horeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyey saraakiisha amniga sida ay isaga xilsaareen amniga caasimada intii lagu gudajiray munaasabada 9-aad ee aas-aaska Dowladda Hirshabeelle.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Hirshabeelle Sarreeye Guuto Xasan Dhicisoow Xasan ayaa Madaxweynaha kaga warbixiyey dhammaan shaqadda nabad-gelyada.

Sidoo kale Taliyaha Guutada 3-aad qeybta 12-ka April Sarreeye Guuto Saneey Cabdulle Nuur ayaa Madaxweynaha xog ka siiyey waxyaabaha ay kuu foogan yihiin ciidamada qalabka sida.

Taliyaha Nabad-sugida ee magaalada Jowhar Cali Dheere ayaa tilmaamay waqtiyadii dambe xog-sugan oo wadajir ah in lagu howlgalaayey.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa yiri: “Dhammaan ciidamada qalabka sida waan ku ammaanayaa kaalintooda iyo dadaalka naf-hurnimo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha ciidamada inay u turaan waqtiga shaqadda dadka nugul sida, waayeelka, haweenka iyo carruurta.

DHAMMAAD

Wixii faah-faahin ah kala xiriir

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda

Mohamed Shurie Nur

May be an image of newsroom and daisMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people, beard and daisMay be an image of daisMay be an image of newsroom and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more peopleMay be an image of daisNo photo description available.May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of daisMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and beardMay be an image of one or more people and people smiling
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -