HomeWarkiiShirka Baarlamaanka Somalia labadiisa Aqal maxaa looga hadlay  Maanta 

Shirka Baarlamaanka Somalia labadiisa Aqal maxaa looga hadlay  Maanta 

Muqdisho-Soomaaliya 21, Febraayo, 2026: Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeennada labada aqal.

 

Ajendaha kulanka wadajirka ah ee maanta waxa uu ahaa dib U eegista dastuurka, marxaladdiisa labaad iyo ka doodista soo jeedimaha wax ka baddalka dastuurka, gaar ahaan cutubka 9-aad, qodobadiisa 130-aad ilaa 154-aad.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda cutubka 9-aad ee dastuurka ay sii socon doonto islamarkaana la sii amba qaadi doono kulanka kan xiga.

 

DHAMMAAD

 

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:

Ibrahim Gudle Isak

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -