HomeWarkiiShirka Caawa ay yeesheen Mucaaradka Samatabixinta maxaa ka soo baxay

Shirka Caawa ay yeesheen Mucaaradka Samatabixinta maxaa ka soo baxay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw Hotel Jaziira ee Muqdisho ku soo dhamaaday shir ay lahaayeen Siyaasiyiinta madasha samatabixinta Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka ugu culus ee Dowlada Soomaaliya.

Warar aan ka helnay shirka ayaa sheegaya in siyaasiyintu ka arinsadeen waqtiga kala guurka iyo doorashada dalka uu geli rabo iyo Dowlada oo aan wali mucaaradka usoo gudbin wax la isku raacsan yahay oo ah qaabka doorashada loo qaban doono iyagoona shakli ka muujiyay arintaasi.

Wararka kale ee aan ka  helnay shirka ayaa sheegaya in si weyn loo gorfeeyay qorshe siyaasiyiinta qaar soo jeediyaan oo ahaa inay u guuraan oo saldhig ka dhigtaan Magaalada Nairoobi taasoo sida aan xogta ku helnay la isku khilaafay.

Siyaasiyiinta fikirkaasi wada ayaa ku andacooday in saaxiibadooda mucaaradka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni aysan iman karin Xamar sidaas daraadeed ay u sahlan tahay inay Nairobi isku wada arkaan, balse wararkaan oo aan wali xaqiijin waxay sheegayaan in siyaasiyinta qaar iyaguna diideen in dal shisheye ay aadaan iyagoona xusay inaysan jirin baahi keeni karta arintaasi.

Mucaaradka dhamaantood waxay isku raacsan yihiin in Madaxweyne Xasan lagu cadaadiyo inuu keeno qorshe doorashada oo dhinacyadu isku raacsan yihiin halka uu hada iska wat qorshayaal isaga kaliya uu wato.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -