Waxaa markale dib ufurmay shirkii dhuusamareeb, dhamaan madaxda oo dhan ayaa saakay kaqayb galaysa.

Saciid Dani iyo Lafta Gareen ayaa umuuqda inay ku guulaysteen inay shirka dib ugu soo celiyaan Axmad madoobe oo xalay aan kaqayb gelin shirarkii dhacay, isagoo qabay casho ku saabsan Gobolka Gedo.

Warar ku dhaw dhaw shirka ayaa sheegaya in lafilayo gelinka danbe ee maanta in lagaaro is faham dhamaan qodobadii la isku hayay, waxaa sidoo kale muuqata inaan la soo hadal qaadi doonin arinta 13 sanatar ee Gobolka Banaadir taasoo uu dhawaan saxiixay M.Farmaajo.

Shirka ayaa hada umuuqda mid xaalaadiisu ay dagan tahay, waxaana lafilayaa arintii ugu murugsanayd ee G/gedo in maanta la xalin doono.

Axmad madoobe ayaa ku doodaya inuu doonayo in dhamaan maamulka gedo isaga lagu wareejiyo, islamarkaana uu sheegay inuu xaq uleeyahay taas, sida maamulada kalaba ay u maamulaan deegaanadooda.

M.Farmaajo ayaan la ogayn waxa uu ka yeeli doono codsiga Axmad Madoobe.

Beesha Caalamka ayaa wada baaqyo ku saabsan shirka Dhuusamareeb in xal laga gaaro,
Midawga musharixiinta ayaa iyaguna ku baaqaya in laga hortago si uusan dalku ugelin qalalaase siyaasadeed marka uu dhamaado mudo xileedka Madaxweynaha oo ku eg isniinta soo socota.

Allaw sahal Umuuraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here