Sida ay warar xog-ogaal ahi sheegayaan qodobadii la isku hayay bilawgii shirka hada waxay u muuqdaan kuwo la isaga soo dhawaanayo.

1:ARINTA GEDO:
Waxaa loo xil saaray Deni, Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Laftagareen, waxaana ilaa hada la isku afgartay.

A:In Police AMISOM la geeyo Garbahaarey.
B: In Guddiga JL ee Doorashooyinka la geeyo Garbahaarey.

waxaa hada laga doodayaa waxa laga yeelayo qorshe uu doonayo Ahmed Madobe oo ah, in Duqa Magaalada Garbahaarey ee JubaLand lagu celiyo Garbahaarey.

2:ARINTA GUDIYADA SOMALILAND:
Waxaa loo xilsaaray Ahmed Madobe, Qoor Qoor iyo R-wasaare Rooble, Waxayna isla garteen:

A: Waxaa lala xiriiray Abdi Hashi iyo Khadar Guled in ay ku soo heshiiyeen maanta soona gudbiyaan magacyada gudiga, waxayna u muuqataa inay qaybsan doonaan taasoo ay ogolaan doonaan sida muuqata labada dhinac.

3:GUDIYADA DOORASHADAEE MURANKU KA DHASHAY.
Gudiyadan waxaa lasheegay in xubnahooda ay ku jiraan saraakiil Nisa iyo shaqaale dawladeed, arintan waxaa la lisla gartay in laga saarayo wixii ah shaqaale iyo Nisa, balse qodobkan cid looma xilsaarin.

4: ARITA 13 SANATAR EE BANAADIR:

Arrintaas dib ayaa loo dhigay weli dood ku filan lama gelin..

WAQTIGA DOORASHADA DHACAYSO:

45-60 maalmood in lagu qabto doorashada

Jadwalka Shaqada:

Guddi maanta in la magacaabo (hal qof) Dawlada iyo dawlad goboleed kasta kasta ay soo gudbiso, si ay jadwalka udiyaariyaan.

Allaw sahal umuuraha

lasoco wixii soo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here