Shirkii madaxda dawladda iyo Shanta maamul goboleed uga socda xarunta madaxtooyada Dhuusamareeb ee Galmudug ayaa u muuqda mid la soo gabagabaynayo khamiista.

Shirka oo saacado badan qaatay ayaa intii aanu dhamaanin waxaa ka soo baxay madaxwaynayaasha Puntland Siciid Dani iyo AXmed madoobe, taasi oo shaki badan ku beertay mas’uuliyiintii kala duwanayd ee banaanka ka joogtay shirka, Waxaana la iswaydiiyay sababta ay uga soo baxeen shirka.

Hase ahaatee markii ay madaxdii kale ka soo dhamaadeen ayaan banaanka goobtii lagu shirayay waxaan kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo ii sheegay in maanta 10 ka Subaxnimo la qaban doono Shir Jaraa’id oo wadajir ah oo ay madaxdu u dhan yihiin.

Ima siinin faah faahin kale balse waxaa muuqata laba midood oo ah in uu jiro tanasul ka yimid dhinacyada midkood ama Soo bixitaanka labada mas’uul uu noqon karo mid ay wax saluugeen.

Mas’uul ka tirsan Xaafiiska madaxtooyada ayaa isna ii sheegay in Shirka 10 ka subaxnimo kadib uu madaxwaynaha DF Soomaaliya u duuli doono muqdisho.
Kal soco wixii soo kordha halkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here