Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug oo la filayo in uu maanta ka furmo shirka Dhuusamareeb 4 kaas oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada dalka.

Shirka Dhuusamareeb 4 oo lagu waday in 1dii bishaan uu ka furmay Dhuusamareeb ayaa baaqday sababo la xiriira madaxdii ka qeyb gali lahayd oo aan soo xaadirin, 2dii bisha oo xalay ku beegnayd ayuu mar kale dib u dhacay furitaanka shirkaan waxaana la filayaa in uu maanta furmo.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa looga hadli doona ismari waaga ka jira doorashada la filayo dalka in ay ka dhacdo sanadkaan.

Shirar gooni gooni ah ayay xalay Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda dowlad iyo kuwa maamul goboleedyad qaar, waxaana la filayo in uu furmo shirka 10:00 barqanimo ee maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here