HomeWarkiiShirka Dib-u-eegista ee wadashaqeynta iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay...

Shirka Dib-u-eegista ee wadashaqeynta iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay magaalada Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee guddiga farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ujeeddadiisu tahay in lagu qiimeeyo heerka fulinta heshiisyadii lagu gaaray shirkii ugu horreeyay ee Guddiga Wasiirrada ee Wadajirka ah ee ka dhacay Muqdisho ayaa maanta ka furmay Hotel Hilton ee magaalada Addis Ababa
Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika, ayaa diiradda saaraya Kordhinta iskaashiga labada shacab, Kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha, Xoojinta waxbarashada, caafimaadka, iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada, iyo iskaashiga Sugidda amniga iyo wadajirka gobolka.
Mudane Maxamed Isaaq Fatiir, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, oo ka hadlay shirka ayaa xusay in wada-hadalladu ay xooga saari doonaan xoojinta xiriirka dadweynaha labada dal, iyadoo la eegi doono arrimaha amniga, horumarka, iyo riyooyinka ay wadaagaan labada shacab si loo xoojiyo iskaashiga.
Mudane Zerihun Abebe, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in shirkan uu gogol xaar u yahay sidii looga wada hadli lahaa arrimo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal. Waxa uu xusay in laga doodi doono fursadaha iskaashi ee cusub oo ay ka mid yihiin: ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, shaqaalaha iyo xirfadaha, iyo duulista rayidka.
Shirkan labda dhinaca ayaa diiradda saaraya iskaashiga Siyaasadda, Amniga, Ganacsiga, Dhaqanka, Dalxiiska, Warbaahinta. Waxbarashada, Caafimaadka iyo Adeegga Hawada iyo Duulimaadyada.May be an image of 10 peopleMay be an image of 6 people, suit and textMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 1 person, newsroom and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -