HomeWarkiiShirka Golaha Wada-tashiga Qaran iyo qodobadii ka soo baxay

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran iyo qodobadii ka soo baxay

May be an image of daisMay be an image of television, newsroom and textGOLAHA WADATASHIGA QARANKA (GWQ)
WAR-MURTIYEED
24-Jannaayo 2026: HORDHAC
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag ah ku yeesheen maanta oo taariikhdu tahay Janaayo 24, 2026. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Axmed Aw-Cali iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga hadley xaaladahii ugu dambeeyay dalka gaar ahaan dadaalada Dowladda Federaalka ee adkeynta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xaaladda abaaraha, la dagaalanka aragagixisada iyo dardargalinta doorashooyinka qof iyo cod ee Golaha deegaanka iyo Dowlad Goboleedyada.

Goluhu Wadatashaga Qaran markuu arkey:
Wuxuu soo saarey qodobadan:-
1. Goluhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si buuxda ugu garabsiinayaa gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ee ku aaddan ilaalinta iyo dhowrista gobonnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo midda bulsho ee dalkeena.
2. Goluhu wuxuu bogaadiyey qabsoomiddii doorashadii Golaha deegaanka Gobolka Banaadir iyo waaya-aragnimadii laga dhaxlay, wuxuuna isla gartay dardar gelinta doorashooyinka golayaasha deegaannada ee dowlad goboleedyada.
3. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa ayidaada Golaha Mustaqabalka ee casuumadii gogosha wadatashiga Qaran ee ay ku baaqday Xukuumadda 1-da Febraayo 2026.
4. Goluhu wuxuu bogaadinayaa guulaha ay ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaaladii u dambeeyay ee Khawaarijta lala galay.
5. Goluhu wuxuu ku baaqay gurmadka xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka.
6. Ugu danbeyn, Goluhu wuxuu ugu mahadcelinayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD iyo saaxiibbada caalamka ee garab istaagaa xaqqa Soomaaliya ee ilaalinta gobannimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -