Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS, kuwa Galmudug iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusa-mareeb kuso dhoweyey Wafdiga uu hogaaminayey Madaxweyne Laftagareen.

Advertisement

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado inuu Beri ka furmo Magaalada Dhuusa-mareeb.

Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale waxaa la filayaa inay Magaalada Dhuusamareeb tagaan Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Jubbaland, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee ka furmaayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saari doonaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Previous articleCiidanka Dolwadda iyo Dadka deegaanka u dhashay oo kaabiga ku haya Degmada Ceelbuur
Next articleDEG DEG: Qarax aad u xoogan oo ka dhacay afaafka hore ee Degmada Ceelbuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here