Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay ayaa lagu wadaa in 14 bishaan uu ka furmoย Shirka Watashiga Qaranka, kaas oo ay ka qeyb galayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul gobolleedyada dalka.
Shirka ayaa looga hadli doonnaa dhammeystirka nidaamka federaalka Amniga iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qodobada shirka looga hadlayo ay ย yihiin kuwo hore ay ugu soo heshiyeen Madxda Golaha Wadatashiga Qaranka sidoo kalena qodobo kale oo muhiim looga hadli doonno shirka Baydhabo.
Dhinaca kale , Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Raโiisul wasaaraha Maxamed Abuukar Subeyr ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furey shir hordhac u ah Ajendayaasha Madashada Wadatashiga Qaranka oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka.