HomeWarkiiShirka Golaha Wasiirada maxaa loog hadlay maanta

Shirka Golaha Wasiirada maxaa loog hadlay maanta

Muqdisho, Khamiis, 10 Luulyo 2025: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, oo lagu soo xulay si hufnaan iyo caddaalad ah.
Guddiga ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ayaa ka kooban 15-xubnood oo ah aqoonyahanno leh karti, khibrad iyo waayo aragnimo la xiriirta arrimaha waxbarashada iyo maamulka, kuwaas oo ka shaqeyn doona horumarinta hey’adaha tacliinta sare ee dalka, waxaana ay kala yihiin:
1.⁠ ⁠ Dr Cabdinuur Sheekh Maxamuud Guddoomiyaha Guddiga
2.⁠ ⁠Dr. Maxamed Cali Faarax Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga
3.⁠ ⁠Dr. Ayaan Sh. Cabdullaahi Maxamed Xubin
4.⁠ ⁠Dr. Axmed Adam Maxamed Xubin
5. Dr. Roble Ibrahim Liban Xubin
6.⁠ ⁠Dr. Cabdulqaadir Cabdulle Cibaar Xubin
7.⁠ ⁠Dr. Cabdishakuur Sh. Xasan (Fiqi) X u b i n
8. Dr. Cabdullaahi Maxamuud Shariif Xubin
9.⁠ ⁠Dr. Cabdiwahab Ali Mumin Xubin
10. Dr. Cismaan Maxamed Cabdiraxman Xubin
11.⁠ ⁠Dr. Faysal Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xubin
12.⁠ ⁠Dr. Maxamed Macallin Abdullahi Kutub Xubin
13.⁠ ⁠Dr. Maxamad Ibraahim Nuur Xubin
14.⁠ ⁠Dr. Maxaamuud Yusuf Garre Xubin
15.⁠ ⁠Dr. Nadiifa Sheekh Cumar Xubin
Dhinaca kale Shirka Golaha ayaa looga hadlay dib-u-eegista qaab dhismeedka hey’adaha dowladda iyo sida loo waafajinayo shuruudaha xeerka kala xadeynta.
Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga iyo howgallada dib-u-xoreynta ee ka socda qeybo kamid ah dalka, iyada oo lagu bogaadiyey ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka halganka naf-hurnimada leh.
Sidoo kale Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagu bogaadiyey horumarinta iyo tayeynta ay ku sameysay adeegga Xajka, taas oo keentay in Soomaaliya ay kaalmaha hore ka gasho dalalka sida ugu wanaagsan ugu adeegay Xujeydooda.
— Dhammaad —May be an image of 1 personMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 4 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -