HomeWarkiiShirka Golaha Wasiirada Somalia oo goor dhaw sameyn doona xil ka qaadis...

Shirka Golaha Wasiirada Somalia oo goor dhaw sameyn doona xil ka qaadis iyo magacaabis

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Duhurnimada Maanta gaar ahan 2-da Duhunimo ama 8-da saac oo hada daqiiqado kaliya naga xigaan waxaa lagu wadaa inay shir xasaasi ah isugu yimaadaan Golaha Wasiirada Somalia iyadoo aad loo hadal hayo xil ka qaadis iyo magacaabis inay sameyn doonaan walow dhanka Dowlada aan xog laha helin.

Inkastoo warar kala duwan ay soo baxayaan kuwaasoo aan wali xaqiijin ayaa qaarkood waxaan xogta ku helnay in Golaha Wasiirada ay doonayaan inay xilka ka qaadaan Mustaf Dhuxulow oo ah Agaasimaha Hay’ada socdaalka iyo jinsiyada islamarkaana ay mid cusub magacaabaan.

Shaqsiga la hadal hayo inay Wasiiradu ku badalaan Mustaf dhuxuloow ayaa ah Xuseen Iidoow oo ah Gudoomiyaha Gudiga dib u eegiska Dastuurka ee Baarlamaanka.

Ma jirto ilo xaqiijin kara in Wasiirada Somalia ay sameyn doonaan xil ka qaadis iyo magacaabis marka laga reebo hadalada baraha bulshada lagu qiyaasayo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

No photo description available.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -