HomeWarkiiShirka Golaha Wasiirada Xukuumada Dan-Qaran maxaa looga hadlay?

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Dan-Qaran maxaa looga hadlay?

May be an image of 8 people, table, dais and textMuqdisho, Isniin, 22 Sebteember 2025: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta guddoomiyey kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada iskaashiga (MoUs) ee Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka ayaa looga hadlay diyaarinta iyo dardar-gelinta is afgaradyada dhinacyada kala duwan ee muhiimka ah ee ay kala saxiixanayaan labada dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin;

  • ⁠ ⁠Iskaashiga Difaaca
  • ⁠ ⁠Dhalinyarada & Ciyaaraha
  • ⁠ ⁠Waxbarashada Sare & Dhaqanka
  • ⁠ ⁠Warbaahinta
  • ⁠ ⁠Maaliyadda (Cashuuraha & Kastamka)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa xusay in heshiisyadani ay qayb ka yihiin dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, lana doonayo in si toos ah loogu turjumo adeegyo iyo fursado shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa jira heshiisyo wali socda oo ku saabsan Deegaanka & Isbeddelka Cimilada, Amniga Gudaha, Iskaashiga Tacliinta Sare, iyo Beeraha iyo Amniga Cuntada, kuwaas oo lagu xallinayo dhinacyada ka harsan ka hor saxiixa rasmiga ah.

— Dhammaad —May be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 3 people and newsroomMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people, newsroom and daisMay be an image of 5 people, dais and newsroomMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 9 people, people studying, table and daisMay be an image of 8 people, table, dais and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -