HomeWarkiiShirka Golaha Wasiirrada ee Saaka iyo qodobada looga hadlay+SAWIRRO

Shirka Golaha Wasiirrada ee Saaka iyo qodobada looga hadlay+SAWIRRO

Muqdisho, Khamiis, 13 Nofeembar 2025:- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo ku saabsan iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka ee labada dal.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno la xiriira ammaanka caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxaa looga dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu weheliyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Warbixinnadaas ayaa lagu soo bandhigay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir ee dhawaan la qaban doono.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay guulaha ay Ciidanka Qalabka Sida ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa cambaareeyay dhacdooyinkii ka baxsanaa dhaqanka iyo diinta suubban ee Islaamka ee lagu dhibaateeyay shacab birma-geydo ah, iyada oo Xukuumaddu ay fartay hey’adaha amniga in sharciga la horkeeno cid kasta oo ku lug yeelatay falalkaas xadgudubka ah.May be an image of daisMay be an image of one or more people, dais and text that says "MAA"May be an image of one or more people, table, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and text that says "Wa Khe Khe ይ"May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais, newsroom and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, newsroom and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of daisMay be an image of one or more people, beard and daisMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and dais

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -