KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw oo galabta ah Magaalada Kismaayo si rasmi ah u furmay Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana xaadir ah oo ka qeybgalaya dhamaan Madaxda Madasha samatabixinta iyo Maamulada Puntland iyo Jubaland.
Shirkaan ayaa ugu horeyn looga hadli doonaa qeybsiga xilalka Golaha Mustaqalka sida Gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ,Xoghayaha,Af-hayeenka iyo xubnaha joogtada ah,qeybsigaan wuxuu imaanayaa xili aysan jirin heshiis la sii daadaalin karo madaama kooxda Muqdisho Gudoomiyaha oo ah xilka ugu sareeya isla rabaan halka Maamul Goboleedyadu rabaan xilkaasi.
Sidoo kale marka ay siyaasiyiintaan isku fahmaan qeybsiga xilalka waxay u jeesanayaan ka hadalka waqtiga kala guurka iyo agasti mideysan inay ka qaataan sida la haboon oo ay rabaan in loo wajaho doorashada Madaxweynaha Somalia marka la gaaro bisha May ee sanadka dhalan doono markaasuu u ku egyahay muda xileedka Madaxweyne Xassan.
Warar diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in beesha Caalamka ay ka gadmi karaan mucaaradka hadii ay mowqif cad ka qaataan sida ay rabaan in doorashadu u dhacdo madaama Madaxweyne Xasan iyo Dowlada uu hogaaminayo inay ku adkeysaneyso inay qabaneyso doorasho qof iyo cod ah.
Dhanka kale dadka siyaasada taxliilaya ayaa qaarkood aaminsan yihiin in kooxda wax kasta ka heshiin karaan laakiin aysan marnaba ka heshiin karin inay hal musharax iska soo dhex doortaan madaama badankood wada yihiin musharixiin madaxweyne oo marka doorashada la gaaro mid kasta gaarkiisa u istaagi doono.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM




