HomeWarkiiShirka Kismaayo iyo hogaanka cusub ay sameysanayaan Golaha Mustaqbalka

Shirka Kismaayo iyo hogaanka cusub ay sameysanayaan Golaha Mustaqbalka

KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Magaalada Kismayo ayaa sheegaya in mucaaradku ay ku jiraan shir xasaasi ah iyo doodo kulul iyagoo doonaya inay sameystaan hogaanka Isbahaysiga ay ku mideysan yihiin ee Golaha Mustaqbalka, waxaana lagu wadaa in Gudoomiye iyo ku xigeen iyo Xog-haye lagu dhawaaqo.

Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa si horu dhac ah la iskugu raacay inuu noqdo Gudoomiyaha Golaha Mustaqbalka halka ku xigeen  uu noqonayo Axmed Madoobe,sidoo kale Maxamed Dhabancad ayaa loo rabaa Xoghayaha Isbahaysiga Golaha Mustaqbalka.

Sidoo kale Xubnaha Golaha ayaa noqon doona  6 ruux kuwaasoo kala ah:-

1- Siciid Deni Madaxweynaha Maamulka Punland.
2- Ra’iisul Wasaare hore  Xassan Cali Kheyre
3- Ra’iisulwasaare hore Maxamed Xuseen Rooble
4- Xildhibaan C/raxman C/shukuur Warsame
5-Ra’iisulwasaare hore Saacid Shirdoon
6-Maxamed Aadan Koofi

Marka la eego Beel ahaan siyaasiyiinta qeybsaday hogaanka iyo xubnaha Golaha Mustqablka dhamantood oo waa Hawiye iyo Doorood mana jirto mid ka mid ah beelaha kale sida Dir ,Digil iyo Mirifle iyo Beelaha 5-aad oo xitaa xubin ka noqday Isbahaysiga.

Gudoomiyaha la filayo  Sheekh Shariif waa Hawiye Abgaal, ku xigeenka Axmed Madoobe waa Daarood Ogaadeen,Xog-hayaha waa daarood Majeerteen halka 6-da xubnood 4 hawiye yihiin halka 2 kalana ay yihiin Daarood.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of dais, newsroom and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -