KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Wararka caawa waqti danbe ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shirkii looga hadlayay dhismaha Hogaanka Golaha Mustaqbalka caawa la kala hoyday iyadoo aaney jirin wax natiija ah oo ka soo baxay.
Shirka muhiimadiisa maanta waxay ahayd inay Goluhu dhexdooda iska doortaan Hogaamiyahooda ama Gudoomiyaha Golaha Mustaqbalka siyaasigii noqon lahaa iyo kii xigeenkiisa balse xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in la isku mari waayay shaqsigii hogaamin lahaa Golaha Mustaqbalka.
Waxaa maanta baraha bulshada la soo geliyay in Shariif Sheekh Axmed loo doortay hogaamiyaha Golaha ku xigeena loo doortay Axmed Madoobe balse wararka caawa waxay xaqiijinayaan inaaney jirin wax la isku raacay.
Wararka sidoo kale Caawa la helayo ayaa sheegaya inay shaqada golaha sii wadi doonaan gudi lix xubnood ka kooban oo Gudoomiye uu u yahay Xildhibaan C/laahi Carab, sidaas daraadeedna shirka la isugu soo laabto beri subax si dooda halkeeda looga sii wado.
Qodobka culus ee mucaaradku aad u rabeen ee ah ka hadalka dhanka khilaafka kala dhexeeya Dowlada dhexe ee Dalka sida doorashooyinka iyo dastuurka ayaa waxaa la sheegayaa inay ka horeyso marka hore inay mucaradku hogaan iyo kala danbeyn sameystaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
