Shirka maanta ugu Firmi lahaa magaalada Muqsisho madaxweynaha iyo5 Maamul Giboleysyada oo Baaqday

0

Dowlad Goboleedyada oo maanta la filayey inuu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo wareedyo ku sugan Villa Somalia.

Madaxweynaha dowladdda Federaalka  Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku soo casuumay shirkan, oo la qorsheynayo inuu ka furmo madaxtooyada Somalia.

Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Siciid Cabdullaahi Deni oo horey ugu sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ku soo biiray Madaxweyne-yaasha maamulada Galmudug,  Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Shirka ayaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee uu muranka badan dhaliyay.

Inkastoo Villa Somalia aysan war ka soo saarin sababaha dib u dhaca shirka ayaa haddana wararka qaarkood waxay sheegayaan in loo aaneynayo xalinta khilaafaad hoose oo u dhexeeya madaxda dowlad goboleedyada iyo fulinta shuruud uu wato Axmed Madoobe oo ah in ciidamada DF laga soo saaro gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya iney u badan tahay in shirku furmo Sabtida soo socota, iyadoo inta ka horeysana la doonayo in lagu xaliyo mad madowga jira.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here