Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika kaas oo looga hadlayo argagixisanimada iyo isbedelada aan dastuuriga ahayn ee dowladda.

Bilawga shir madaxeedkan ayaa ku beegan maalinta Afrika oo sanad walba la xuso xuska aas aaska ururka midowga Afrika oo la aas aasay 25 May 1963. Waa aasaaskii ururka midowga Afrika (AU).

Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ayaa daba socda shan afgambi oo Afrika ka dhacay tan iyo sanadkii 2021, iyadoo kiisas argagixiso ay ka dhaceen gobollo iyo dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Saaxil, Soomaaliya, Angola iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyo kuwo kale.

Kulamada ka hor, waxaa magaalada Malabo gaaray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxaana qaabilay madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo.


Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya labada dal.

Bishii Maarso, Midowga Afrika ayaa magaalada Accra ee dalka Ghana ku qabtay Madal Milicsi oo ku saabsan Isbeddellada aan Dastuuriga ahayn ee Afrika, kaas oo diiradda lagu saarayp sidii xal loogu heli lahaa dib u soo cusboonaada isbeddellada aan waafaqsanayn dastuurka ee Afrika.

Shirka dalalka Midowga Afrika ee ka furmaya Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea ayaa waxaa ka qeyb geli doona wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doona madaxda ka qeyb galeysa shirkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here