HomeWarkiiShirka Midowga Afrika  oo looga hadlay howlgalka cusub ee AUSSOM.

Shirka Midowga Afrika  oo looga hadlay howlgalka cusub ee AUSSOM.

Shir ay yeesheen Golaha amaanka Midowga Afrika ayaa looga hadlay howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Somalia ee loogu magac daray AUSSOM oo badalay howlgalkii ATMIS.

Shirkaan o ah kii 1287-aad ee Midowga Afrika ayaa lagu laa gurey xaalada amni ee Soomaaliya,gaar ahaan sida ay noqon karto in guusha loo baahan yahay laga gaaro howlgalkaan cusub oo markaan ay awooda hogaanka ay leedahay Dowlada Soomaaliya halka awal midowga Arika ay hoos tagi jireen ciidamada.

Kulanka oo heerkiisu sareeyay waxaa lagu qabtay habka online waxaana ka qeybgalay masuuliyiin Dowlada ka tirsan saraakiil Midowga Afrika iyo kuwa qaramada midoobe xili wali si rasmi ah loo shaacin in dhaqaale loo helay howlgalkaani cusub oo qorshuhu yahay in bishaan uu si rasmi ah u bilowdo.

Sidoo kale kulanka waxaa lagu soo hadal qaaday shilkii diyaaradeed ee 2 maalin ka hor ka dhacay Muqdisho waxaana soo hadal qaaday oo shirka ku jirey wasiirka Gaashaandhiga Uganda Lt Gen Abubakhar Jeje Odongo kaasoo xusay inay ciidamadooda naftooda ku waayeen shilkaasi.

Shirka waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda, Lt Gen Abubakhar Jeje Odongo, oo muujiyay tixgelin qoto dheer oo uu u hayo askarta Uganda ee naftooda ku waayay shil diyaaradeed oo militari oo ka dhacay meel u dhow Muqdisho 2-da Luulyo. Waxa uu ku tilmaamay geesiyaal naftooda u huray nabadda iyo midnimada Afrika, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaskooda.

Wasiirka wuxuu sidoo kale carabka ku dhutay in askartoodu diyaar u yihiin sidii ay Dowlada Somalia uga caawin lahaayeen nabad ku soo dabaalida guud ahaan Gobolada iyo Magaalooyinka Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -