MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shirkii Muqdisho uga socday Mucaaradka iyo Madaxtooyda ayay labada dhinac qoraxdu u dhacday iyadoon wax natiija ah lga gaarin shirka taasoo keentay in fadhiga lagu kala kaco.
waxaa la isku mari la’yahay halkii qodob ee awalba doodu ka taagneyd kaasoo ah qodobka Dastuurka cutubkiisa 4-aad oo qeexaya sida ay noqon doonan habka loo marayo doorashooyinka dalka.
Madaxweyne Xasan wuxuu muujiyay tanaasul walow uu diiday inuu ka tanaasulo gabi ahaanba cutubka 4-aad oo ay mucaaradku ku dhageen in Dowladu ka laabato wax ka badalka Dastuurka ay ku sameysay.
Wararka ku dhaw dhaw shirka ayaa sheegaya labada dhinac ku kala dhageen laba moqqif oo mid kasta ka dhigtay difaaciisa ugu danbeeya walow la filayay in labada dhinac midkood tanaasul sameeyo.
Mucaaradka waxay shuruud kaga dhigeen Dowlada in heshiis la gaaro in Dowladu gabi ahaanba ka laabato wax ka badalka dasturka iyo la kala dirto gudiga doorashooyinka kuwaasoo dhamaan Dowladu diiday.
DAYNIILE.COM
