MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mucaaradka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa galabta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho iyagoona markii ugu horeysay shaasheegeen inay arbacada soo saari doonaan aragti ku saabsan nuuca doorasho ee ay doonayaan in dalka laga qabto.
Shariif Sheekh Axmed oo ah Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa shirka ka sheegay in wixii ka bilowda 15 May uu bilaabanayo qorshe ku soo dhisayaan dowlad bedesha mida hada jirta oo muda xileedkedu maalintaasi ku egyahay.
“ Ilaahaa idinku dhaariyee, nin dadka barakiciyay dadku ma dooranayaan,” ayuu yiri Shariif Shiikh Axmed.
Sidoo kale Xasan Cali Khayre oo ah Ra’iisulwasaarihii hore ayaa isna shirka ka sheegay in Somalia tahay dalka kaliya ee ay ka ka barakacayaan Dadkii xoolaha heestay isagoo ula jeeda inay saameyn ku yeelatay dhulalka ay Dowladu ka barakicineyso dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
