MUQISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta galay maalintii sadaxaad shirka siyaasiyiinta Mucaaradka Somalia kuwaasoo sida ay hore u qorsheeyeen maanta soo afjaraya shirkaasi iyadoo lagu wado inay ka soo saaraan war-murtiyeed ay ku mideysan yihiin mucaaradka kaasoo ka dhan ah hogaanka xiligaan ee Dowlada Faderaalka Somalia.Shirka maanta waxaa ku biirey qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed xili shalayna si guud loogu arkay shirka shirka dhalinyarada Soomaaliyeed qaarkood kuwaasoo aragti wadaag la ah mucaaradka.
Sidoo kale isla shalay mucaaradku waxay shirka ku casuumeen qaar ka mid ah Culumaa’udiinka iyadoo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mucaaradkuba isla gorfeynayaan sida Dowlada hada jirta loogu cadaadin lahaa inay sameeyaan doorasho Soomaalidu isku aragti ka tahay,sidoo kale dastuurka wax laga badalay lagala tashto soomaalida qeybaheeda si meesha looga saaro qodobo aan la isku raacsaneyn.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM






