Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa maanta qabtay shirkii caadiga ahaa ee saddex biloodlaha, kaas oo ay isugu yimaadeen dhammaan xubnaha Guddiga Fulinta Shirka ayaa lagu qabtay xarunta xiriirka, waxaana diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira horumarinta kubadda cagta dalka.
Intii uu socday shirka, waxaa la falanqeeyay:
– Qorshaha lixda bilood ee soo socota (tababarrada, tartamada gudaha & horumarinta kubadda cagta )
– Warbixinno laga dhageystay waaxyaha kala duwan .
– Qiimeyn lagu sameeyay waxqabadka hay’adaha xiriirka iyo heerarka la gaaray saddexdii bilood ee la soo dhaafay
Guddoomiyaha Xiriirka, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa uga mahadceliyay xubnaha guddiga fulinta dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo ciyaaraha dalka. Waxaa sidoo kale shirka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee xiriirka.
Shirkan ayaa qeyb ka ah nidaamka hufnaanta iyo isla xisaabtanka ee xiriirku ku shaqeeyo.














