
Shirka wadatashiga madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Maanta ayaa la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ay gaaraan madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntilaan, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koofur Galbeed.
Sidoo kale waxaa isla maanta lagu wadaa in wafuud hor u dhac u ah madaxda dowladda ay tagaan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Shirkan ayaa ajandihiisu yahay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Dowladda federaalka ah iyo qaar kamid ah hogaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada halka sidoo kale shirka looga arinsan doono arrimaha doorashooyinka dalka iyo xaaladda kala guurka.