Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Sooamaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galay shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmay caasimadda dowlad gobolleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha JFS, Dr Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa diiradda lagu saarayaa dardar-galinta hawlgallada dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta deegaannada la xoreeyay iyo sidii loo gaarsiin lahaa addeegyada aasaasiga ah ee dowladda.

Advertisement

Shirka ayaa waxa sidoo kale ka qaybgalaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale.

Previous articleDagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka socda degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag
Next articleRW hore Xasan Cali Khayre oo sheegay qabashada degmada Ceelbuur u tahay guul dowladda iyo dadka deeganka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here