Waxaagoor dhaw oo saaka ah Magaalada Muqdisho ka furmay shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka ciidanka heeganka Afrikada Bari,shirka waxaa marti geliyay Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa si rasmi ah u furey shirka,wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay ku rajo weyn tahay in la hirgeliyo himilooyinkii loo aas aasay ururka.
Wasiir Fiqi wuxuu dhanka kale u mahadceliyay dalalka Soomaaliya ka taageera adkeynta amniga gaar ahaan la dagaalanka argagaxisada.

























