HomeWarkiiShirka Wasiirada Hirshabelle oo maanta looga hadlay Amniga

Shirka Wasiirada Hirshabelle oo maanta looga hadlay Amniga

May be an image of ‎5 people and ‎text that says "‎ሰቢያ بقعصر ലല‎"‎‎Jowhar, 16-July-2025: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada.
Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixiyey xaaladdihii ugu dambeeyay ee dhanka Amniga waxa uu xusay in farsamo ahaan lagu mashquulsan yahay sidii dib looga saari lahaa Khawaarijta degmooyinka iyo deegaanada kooban ay kaga sugan yihiin Dowladda Hirshabeelle.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha la-wadaagey in la howlgeliyey xarumo caafimaad oo laga dhisay magaalooyinka Jowhar, Buulo-burde iyo Beledweyne kuwaas oo u adeegi doono bulshada.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaallaha, ayaa laga dhageystay warbixin ku saabsan Maareynta Maaliyadda iyo isku-xirka mashaariicda.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa su’aallo isla-xisaabtan u badan weydiiyey qaar ka mid ah Wasaaraddaha gacanta ku haayo mashaariicda.
Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle ayaa Duqa magaalada Beledweyne Nadar Maalin Tabaax ku boogaadiyey hufnaanta iyo kaalinteeda Dowlad-dhiska.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray Wasaaraddaha iyo howlwadeennada ku howlan mashaariicda inay dardargeliyaan si looga faa’ideeyo bulshada Hirshabeelle.
DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people and newsroomMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, newsroom and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -