Maanta ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo shalay ka furmay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Wararka laga helayo shirka Kulmiye ayaa sheegaya in la filayo in kulanka musharrax madaxweyne loogu dooran doono madaxweyneha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halka madaxwyne ku xigeenna loo dooran doono Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo iminka ah wasiirka ganacsiga.

Advertisement

Guddoomiyaha xisbiga ayaa loo wadaa Maxamed Kaahin Axmed oo hadda ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Shirkan xisbiga oo ah kii sideeddaad ayaa imaanaya xilli uu taaganyahay khilaaf la xiriira doorashooyinka Somaliland, oo xukuumadda iyo mucaaradku ku kala aragti duwanyihiin

Previous articleCiidamada dowladda oo howlgal ku burburiyay Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab
Next articleMagaalada CaabudWaaq oo lagu soo bandhigay Maleeshiyaad ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here